Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qarax khasaare nafeed geystay oo ciidamada Kenya lagula beegsaday J/Hoose

Kismaayo-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaraha ka dhashay qarax gobolka Jubbada Hoose lagula beegsaday ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya.

Qaraxaas nuuciisa lagu sheegay miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM ku haleelay  deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbalada Hoose.

Illaa laba askari ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya ay qaraxaas uga geeriyoodeen, halka tiro intaas ka badana ay dhaawacyo soo gaareen, kadib markii uu qaraxu haleelay mid kamid ah gadiidkii ay wateen.

Ururka Al-Shabaab oo war kasoo saaray qaraxaas ayaa sheegtay mas’uuliyadiisa, hase yeeshee taliska AMISOM iyo dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin ciidamadaas qaraxa lagula beegsaday Hoosingoow.

Dadka deegaanka Hoosingoow ayaa warbaahinta u sheegay in markii ciidamadaas qaraxa lala beegsaday ay fureen rasaas, balse illaa hada lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaas.

You must be logged in to post a comment Login