Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay Isgooyska Afarta darjiin ee Degmada Yaaqshiid.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa Miino lagu aasay wadada, waxaana lasoo warinayaa in Qaraxaasi loo aasay Dumar goobta qaad ku iibiya.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa 5-ruux, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo Lix ruux.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa lagu iibiyaa qaad, waxaana halkaasi iminka ku sugan gaadiidka Ambalaasta iyo ciidamo farabadan oo xaqiijinaaya Ammaanka.

Dhanka kale, Waxaa xiran gabi ahaan wadada, waxaana la tilmaamayaa in Khasaaraha uu intaasi kasii badan karo generic sildenafil, generic zithromax.

You must be logged in to post a comment Login