Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qarax xoogan oo lala Beegsaday Gaari uu watay Dhakhtar Caan ka ah Magaalladda Muqdisho. (Akhriso Magaciisa).

Wararka laga helaayo Isgooska KPP ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Goordhaw uu meel aan sidaa uga fogeyn Isgooyska ka dhacay Qarax xoogan oo Khasaara geystay.
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lala eegtay mid kamid ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ka howlgashay Isbitaaladda Magaalladda Muqdisho.
Dhakhtarka Qaraxa lala eegtay ayaa waxaa la sheegayaa in Magaciisa la yiraahdo Cali Xasan oo Xarun Caafimaad ku leh Xaafada Cali Kamiin ee Degmada Wardhiigley.
Lama Oga Khasaaraha Qaraxaasi ka dhashay, waxaana lagu soo waramayaa in Qaraxa uu ahaa Miino lagu qarxiyay Gaariga uu watay Dhaqtarkan.
Goob joogayaal ayaa shabakadda u xaqiijiyay in la doonayay in la qaarijiyo gaariga halka Warar kalana ay sheegayaan in qaraxu gaariga uu ku xirnaa.
Ugu dambeyntii, Qaraxa ayaa waxaa Dhaawac aad u fudud uu kasoo gaaray Dhaqtarka oo la doonayay in lagu qaarajiyo sida uu noo xaqiijiyay Calas Guure oo ah Gudoomiyaha Waaxda Taleex ee Degmada Hodan.

You must be logged in to post a comment Login