Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaraxyo lagu dilay ciidamo Itoobiyan ah oo ka dhacay gobolka Bay

Baydhaba-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ciidamo Itoobiyan ah kula beegsadeen, inta u dhaxeysa magaalooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale ee gobolka Bay.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa werisay in qaraxyadaas oo ahaa kuwo is xigxigay, isla markaana lala eegtay kolonyo gaadiid oo ay ciidamada Itoobiya uu ka dhashay khasaare soo gaaray ciidamada.

War kasoo baxay Al-Shabaab oo ay uga hadleen qaraxyadaas lala beegsaday ciidamada Itoobiya ayaa lagu sheegtay in illaa lix qarax iyo weerar toos ah ay dagaalamayaashoodu ku qaadeen kolonyadaas ciidan

Ciidamada ayaa ka baxay Qansaxdheere waxayna ku wajahnaayeen Bardaale, waxay warkooda ku sheegeen Al-Shabaab in ugu yaraan seddax askari ay uga dileen.

Al-Shabaab ma shaacin nuuca qaraxyada ay ku weerareen ciidamadaas ka tirsanaa kuwa Itoobiya, sidoo kale waxa ay sheegeen in 11 askari oo kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Ma jirto il ka madax banaan Al-Shabaab oo xaqiijisay khasaaraha ay sheegeen inay gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya, welina Taliska AMISOM iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya kama hadlin arintan.

Qaar ka mid ah gobollada dalka oo ay ka mid yihiin Bay iyo Bakool waxaa kuwada sugan ciidamo Itoobiyan ah, oo qaarkood ay ka tirsanyihiin jowlgalka AMISOM, halka kuwa kalena ay ka madax banaan jihiin oo uusan cadeyn maandheydka ay dalka ku joogaan.

You must be logged in to post a comment Login