Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaraxyo xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Mandhera “Goob lagu codeynayay”

Wararka inooga soo gaaraya magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in halkaas laga maqlay qaraxyo xoogan.
Wariye kusugan Mandhera ayaa Warbaahinta usheegay in labo qarax lagu weeraray xarun laga codeeyo oo kutaal xaafada Buulatikniko ee magaalada Mandhera.
Waxaa goobta kusugnaa dad aad ubadan oo ka qeyb qaadanayay codeynta doorashada Kenya.
Lama xaqijin karo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan lagu weeraray xarunta lagu codeeyo ee magaalada Mandhera waxaana ay kusoo aadayaan xili magaaladaas iyo magaalada Gaarisa ay maanta ka dhaceen qaraxyo lagu weeraray xarumaha lagu codeynayo.

You must be logged in to post a comment Login