Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qasaaraha ka dhashay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxaani oo noociisa uu ahaa ismiidaamin ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xaafadda Fiyooraha ee degmada Wardhiiglay ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaani oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa ayaa waxaa lala damacsanaa gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Nabad sugida oo marayay wadada hormarta Fiyooraha.

In ka badan 10 ruux ayaa ku geeriyootay in dad kale oo tiradooda aan cayimina wey ku dhaawacmeen kuwaasi oo saarnaa badankooda gaadiid uu ka mid ah gaari BL ah oo la kulmay Qaraxa kaasi oo isna wadada marayay.

Gaariga BL-ka oo noociisa uu ahaa Hoomeey iyo gaari noociisa uu yahay Xaajiyad ayaa la sheegay inay ku gubteen goobta kuwaasi oo dadkii la socday uu qasaaro ugu xooggan gaaray.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa qalqal galiyay amaanka magaalada Muqdisho oo lagu arkayay ciidamo ka tirsan dowladda oo wadooyinka xirtay dadkana qoryo ku taagayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu la socday Taliyaha Nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Erig.

You must be logged in to post a comment Login