Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

QM oo war ka soo saartay aqbalaada Deni ee imaanshaha Muqdisho

Muqdisho–Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey go’aanka uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ku qaatay in uu ku yimaado magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale Qaramada Midoobay  ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay xubnaha dowladda federaalka ka socday ee ka qeyb galay shirka wadatashiga Puntland ee ka dhacay Garowe, kuwaas oo iyaguna soo dhaweeyey go’aankii Madaxweyne Deni ee ahaa in uu Muqdisho imaanayo.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale xustay inay ka war sugeyso natiijada kasoo bixi doonta kulanka la filayo in ay yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni, si loo sii hormariyo wadahadallada ku dhisan danta guud ee Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xilli xubnihii ka koobnaa xildhibanada iyo wasiirrada ee ka socday dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni ay ku heshiiyeen in uu yimaado Muqdisho si uu ula kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirro ka tirsan Puntland oo shalay la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweyne Deni uusan Muqdisho u tagayn wadahadal uu la galo madaxda federaalka, balse uu tagayo u gogol xaarka shirka ay Puntland iclaamisay oo lagu wado inay Garowe ku yeeshaan madaxda federaalka iyo maamul  goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Deni ayaa tan iyo markii la doortay 8-dii Janaayo sanadkii hore aan cag soo dhigin magaalada Muqdisho, waxaana marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareerayey khilaafka xukuumaddiisa kala dhaxeeya dowladda federaalka.

UNSOM

@UNSomalia

.@UN in commends President Deni’s intention to visit Mogadishu & is pleased Fed. Gov.’s delegation to Puntland Consultative Conference welcomed this. We look forward to the meeting between President Deni & President Farmajo to advance dialogue in the national interests.

View image on Twitter
121 people are talking about this

You must be logged in to post a comment Login