Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qodobadii ergada Somaliland wadatay oo lagu laalay shirka Istanbul & shirka oo soo dhammaaday (Faah-faahin)

Top-News-300x226

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga lagu soo geba gabeeyo, wadahadalidii halkaasi uga socday wufuuda dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland eewoqooyiga Soomaaliya.
Xalay ayaa labada dhinac waxaa ay isla gaareen saqdii dhexe heshiis, iyagoo markii dambe ku heshiiyay in maanta ay si wadajir ah saxaafada ugu soo gudbiyaan wixii ay ku heshiiyeen.
Wariye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Istanbul, ayaa sheegay in waxyaabo badan la isku qabsaday, waxaaana ka maid ah wax yaabaha la isku qabsaday sidda loo qoraayo heshiiska iyo luuqada lagu qoraayo.
Saxaafada ayaa ogaatay in dhammaan la laalay qodobadii ay wateen ergada Somaliland kuwaas oo kala ahaa:-
1. Ictiraafka gooni isu taaga Somaliland
2. In Ictiraafkooda ka hor,Xubin Sharaf goobjooga inay ku yeeshaan shirarka caalamiga sida IGAD, AU, UN, ARAB LEAGUE …iwm
3. In Deeqaha Somalia la siiyo qeybahooda laga siiyo
4. In cudur-daar laga baxsho waxey ugu yeereen xasuuqii loo geystey dadka Somaliland {Beesha dhexe)
Dhamaan qodobadeey wateen waa u cuntami waayeen wafdigii Dowladda Federalka Somalia, waxeyna ka soo qaadeen qodobka u danbeeya oo loo dhigey, in cudur daar si wadajir ah looga baxsho dhamaan dhibaatooyinkii kala duwanaa ee shacabka Soomaaliyeed ay u geesteen nidaamkii Somalia ka talinayey.
Xaflada shirka oo xalay la qaban rabay ayaa dib loo dhigay kadib markii wafdiga Somaliland diideen in qodobka cudur daarka sidaas loo dhigo.
Ila wareedyo muhiima ayaa sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee maanta la kala saxiixan doono uu yahay IN LA WADAAGO MAAMULKA HAWADA SOMALIA .
Qodobkaan hore ayaa loogu heshiiyay hase yeeshee waxaa la dhisayaa gudiyadii howsha hore u wadi lahaa ee labada dhinac.
Waxaa dhowr jeer la badalay qaabka loo qoray qoraalka gaar ahaan markii horre Luuqada Ingiliiska ayaa lagu qoray sidda loo qoray ayaa la isku badlay.
Wax yaabaha la isku qabtay ee doodda culus dhaliyay waxaa ka mid ah ma dowladda Somaliland ayaa la dhahayaa mise Jamhuuriyada Somaliland.
Waxaa kaloo la isku qabtay sidda loo cambaareenaayo dagaalladii ka dhacay Gobalada Waqooyiga Galbeed sannadihiii Siddeetameeyadii,waxaana inta badan qod qodoyay qoddobada heshiiska ku qoran ergooyinka ka socday dowladda Soomaaliya.
Shirka goobta uu ka socday saxaafadda ma aysan joogin, oo wuxuu ahaa mid alaabka u xiran, laakin ergooyinka labada dhinac ee shirka ka qaybgaleynin ayaa la arkayay iyagoo kaftamaya oo isleh, annaga ayaa waxaa nala jooga qolo idinka idinka tirsan iyo kuwaas halkaas ka tirsan iska soo celiya.
Si tababa, maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in si kama dambees ah uu u soo baxo war murtiyeedka uu qoran yahay heshiiska labada dhinac ay ku gaareen kullamada u socday seddaxdii cisho ee la soo dhaafay.

You must be logged in to post a comment Login