Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qorshe ka dhan ah Alshabaab oo ka socda Baledxaawo

0016
Ciidamo u badan Itoobiyaan ayaa xalay gudaha u galay degmada Baledxaawo ee gobalka Gedo waxaana sidoo kale la socda ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo iyagana ka baxay deegaanno kamid ah Gedo.

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada Itoobiyaanka ah ay ka yimaadeen dalka Itoobiya halka kuwa dolwaddana ay ka yimaadeen dhanka degmooyinka Luuq iyo Doolow.

Guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamd Cabdi Kaliil oo ka hadlayay ciidamadaasi gaaray Shalay iyo xalay degmada Baledxaawo waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe ballaaran oo ay ku doonayaan in Alshabaab kaga saaraan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ka tirsan Alshabaab.

You must be logged in to post a comment Login