Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qoysas horleh oo ka barakacay magaalada Beledweyne

Beledweyne-Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan, in maanta ay barakac sameeyeen qoysas danyar ah oo ku noolaa magaaladaasi.

Dadkan maanta ka barakacay magaalada Beledweyne ayaa intooda badan waxa ay soo wajahaneen dhanka deegaanka Ceel Jaalle oo ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne.

Barakacan ayaa yimid kadib markii shacabka uu saameeyay fatahaadda uu sameeyay webiga Shabeelle, oo ku sii fidaya xaafado horleh oo ku yaalla magaalada.

Dhinaca kale dawlada Soomaaliya ayaa maanta waxa ay magaaladaasi u dirtay wafdi qiimeyn ku soo sameeya xaaladda fatahaadda webiga Shabeelle.

You must be logged in to post a comment Login