Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Raaf laga sameeyey Nairobi & Somali la katiinadeeyey

Saacado yar kadib markii ay wasarada arimaha guadaha Kenya ay amar ku bixisay in qaxootida Soomalida ah ay dib ugu laabtaan xerooyinkii ay ku jireen ayaa booliska dalkasi waxa ay gacanta kusoo dhigeen in kabadan 1000-qof oo ay u badan yihiin qaxooti Somalia ah oo iyagu ku sugnaa magaalada Nairobi.

Ku xigeenka booliska magaalada Nairobi Moses Ombati ayaa u sheegay wakaalada wararka Turkiga Anatolia in dadka lasoo qab qabtay ay yihiin kuwa aan wadan warqada sharci ku joogista dalkaasi.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay lasii wadi doono in gacanta lagu soo dhigo dadka sida sharci darada ah ugu sugan gudaha magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Ku dhawaad 500-askari ayaa lagu daadiyay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee dalkaasi.

You must be logged in to post a comment Login