Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul wasaaraha iyo Axmed madoobe oo isku fahmi la’ wadahadalka

Sida ay Xaqiijinayaan ilo lagu kalsoon yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax iyo Axmed Madoobe ayaa waxa ay isku fahmi la’yihiin wada hadalka u dhaxeeya ee ku saabsan Maamulka Jubaland.
Wararka waxa ay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha uu doonayo ama uu soo jeediyay in Maamul KMG ah loo sameeyo Gedo iyo Jubooyinka kadibna loo soo jeesto Maamul rasmi ah.
Axmed Madoobe iyo Saraakiisha kale ee Maamulka KMG ah ayaa iyana kasoo horjeeda arrintaasi oo doonaya inay meel mariyaan Maamulka Jubaland, waxaana ay soo jeediyeen in halkiisa laga sii wado Qorshaha Jubaland.
Lama oga go’aanka rasmiga ah oo kala qaadan doonaan labada dhinac ee dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah.

You must be logged in to post a comment Login