Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul Wasaaraha oo Su’aalo laga Weydiiyay Wareejinta Dekedda Muqdisho

online sildenafil, clomid online. 2014929635475572317338736DSCN0864 Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Somalia ayaa su’aalo ka weydiiyay ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sh. Axmed iyo xubno wasiirro ah wareejinta shirka Al-Beyraat ee Turkiga ah lagu wareejiyay dekedda Muqdisho, iyadoo aan baarlamaanka la marin heshiiska lala galay shirkaddan.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa waxaa shir-gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxaana joogay xubno ka tirsan madaxda guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka, waxaana su’aalihii la weydiiyay ka mid ahaa sababta ay ugu wareejiyeen dekedda shirkadda Turkiga ah, iyadoo baarlamaanku uu horay uga soo saaray arrintan go’aan. Waxaa kaloo wax laga weydiiyay cabshada muruq-maalka dekedda iyo cida maamuleysa dhaqaalaha dekedda kasoo xarooda.

Ra’iisul wasaare C/weli oo su’aalaha jawaabahooda uu ku wehliyey wasiirka dekedaha ayaa ugu horreyn ka raali-geliyay guddiga joogtada ah ee  golaha baarlamaanka wareejinta dekedda, isagoo xusay inaanay xukuumaddu iska indha-tirin qaraarkii uu baarlamaanka horey uga soo saaray wareejinta dekedda, balse qorshahana uu ahaa in guddiga joogtada ah lala soo socodsiiyo wareejinta, maadaama uu baarlamaanku xirnaa, dhinaca kalena wuxuu si waafi ah uga jawaabay dhammaan su’aalihii la weeydiiyay.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad oo gaba-gabadii kulanka ka hadlay ayaa u mahad-celiyay ra’iisul wasaaraha iyo wasiirradiisa sida ay uga jawaabeen su’aalaha ay guddiyada joogtada ah ee baarlamaanku qabeen, wuxuuna muujiyay walwalka ay ummaddu ka qabto heshiisyada la xiriira maalgashiga ee lala saxiixanayo shirkadaha shisheeye, muhiimadda qaraarkii baarlamaankana ee ahayd ilaalinta shuruucda dalka iyo ilaalinta xuquuqda muruq-maalatada dekedda ka shaqeeya, taasoo ka mid ah waajibaadyada baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari oo soo kulanka su’aalo weydiinta ah soo xiray ayaa ka hadlay in la ilaaliyo dhamaanba shuruucda kala geddisan ee dalka uu leeyahay, wuxuuna uu xusay inuusan golaha shacabka u dul-qaadan doonin bixinta hantida Qaranka, isla markaana aysan go’aankooda si gaar ah u qaadan karin mas’uuliyiinta xilalka loo dhiibay, si taas xal loogu helana la sameyn doono maxkamad gaar uga shaqeysa.

Kulankan ayaa ka dambeeyey kaddib markii uu codsaday ra’iisul wasaaraha xukuumadda inuu la kulmo guddiga joogtada ah ee baarlamaanka si uu ula socodsiiyo halka ay xukuumadda marsiineyso dadaallada la xiriira dekedda Muqdisho, wuxuuna C/weli dhawaan hor-imaan doonaa baarlamaanka si uu xildhibaannada uga jawaabo su’aalo la xiriira arrinta dekedda Muqdisho iyo jah-wareerka ka taagan heshiisyada caalamiga ah ee lala galo shirkadaha shisheeye.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Sept/wararka_maanta29-48505.htm#sthash.fFwx2HVW.dpuf

You must be logged in to post a comment Login