Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon ayaa markii u horeysay tan iyo markii uu xilka qabtay u ambabaxay dalka dibadiisa.
Shirdoon oo maanta ka tagay magaalada Muqdisho ayaa safarkiisa koowaad ku tagay dalka Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale safaro ku tagi doono booqashadiisa Jabuuti kadib dalalka Ethiopia, Uganda, Burundi iyo Kenya.
Mr Saacid ayaa ujeedka socdaalkiisa waxa ay tahay sidii uu kulamo ula soo qaadan lahaa Madaxda dalalka uu booqanayo si uu ugala hadlo xiriirka, amaanka, gargaarka iyo arrimo kale oo quseeya baahida Soomaaliya ee xaga Caalamka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa safaro ku bixiyayay mudooyinkii dambe gobolada dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in qorshihiisa koowaad uu yahay wax ka qabashada xaalaha ka tagan gudaha dalka.
Dhawaan ka filo shabkada casriga ah ee somalinimo1.com muuqaalka rasil wasaaraha Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login