Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay diblomaasiyiinta ku sugan Bujumbura.(Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Burundi ayaa maanta magaalada Bujumbura kula kulmay safiirrada wadamada saaxiibada la ah Somalia oo ay ka wada hadleen horumarka ay dowladdu gaartay.

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa la kulmay diblomaasiyiin ka socday Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Africa, Faransa iyo Holland iyadoo kulammadaasi uu ku wehelinayay Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Burundi Abshir Xasan Abshir.

Ra’iisul wasaaraha Somalia, Abdiweli Sheikh ayaa war-bixin ka siiyey Danjirayaashaasi xaaladda Somalia ay ku sugan  tahay iyo horumarka dalka ka socda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo arimahan ka hadlayay ayaa yiri:-

“Somalia waxa ay cagta saartay wadadii horumarka iyo nabadda, waxaan ammaanayaa doorka aad ka qaadaneysaan dib u kabashada Somaalia oo ah midda ugu muhiimsan ee aan ka wada shaqeyneyno.

“Waxaan soo dhoweynayaa sida aad Somalia u garab taagan yihiin, booqashada aan ku imid dalka Burundi waxa ay  qeyb ka tahay iskaashiga Somalia iyo dalalka Africa, Safaaraddeenna dalkan warka ka soo yeeray ee ah in ka xiri doona ma ahan wax la xiriira xiriir xumo laakin arrimo Dhaqaale ayaa  keenay arrintaas, diyaarna waxaan u nahay inaad tallooyinka saaxiibada tixgelino oo aan dib u eegis ku sameyno”

“Somalia xiligan waxa ay u baahan tahay in laga wada qeyb-galo dhismaheeda, dhanka kale xaalado bini’aadannimo ayaa dalka ka jira oo dadka ay abaartu saameysay waxa ay u baahan yihiin in gurmad la gaarsiiyo, meelo badan oo ka mid ah Koofurta Somalia waxaa laga xorreeyey argagixisada oo ciidamadeenna iyo AMISOM ayaa iska kaashanaya, waana horumarka dalka uu gaaray qeyb ka mid ah.”

Ugu dambeyntii Safiirrada uu war-bixinta siiyey Ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa dhankooda ku ammaanay doorka dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga, maamullada iyo xiriirka caalamiga ah ay ka sameysay, waxa ay ballan qaadeen in ay sii xoojin doonaan taageerada ay Somalia siiyaan, Ra’iisul wasaaraha ayeey u soo jeediyeen in ay dib u eegis  ku sameyso xirtaanka Safaaradda Somalia ee dalka Burundi.

 

 

DSC_0051 DSC_0056 Tadacip for sale, acquire clomid. DSC_0057 DSC_0254

 

You must be logged in to post a comment Login