Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo tagaya koofurta Gaalkacyo

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon ayaa waxaa lagu wadaan in saacadaha soo aadan uu gaaro koofurta magaalada Gaalkacyo ee Mudug.

Qaban qaabo weyn oo lagu soo dhaweynayo Ra’iisul wasaare Saacid ayaa waxa ay ka soconeysaa magaalada Gaalkacyo, waxaa la adkeeyay amaanka magaalada, iyadoo la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmi doono Mas’uuliyiinta Galmudug xili Galmudug uu ka dhaxeeyo khilaaf dhinaca Maamulka ah.

Shirdoon waxa uu ku sugan yahay Puntland oo kula kulmay madaxda Maamulkaasi oo uu ka mid yahay madaxweynaha Puntland.

Dhawaan ka filo somalinimo1.com muuqaalka sida Gaalkacyo loogu soo dhaweeyay raisul wasaare Saacid.

You must be logged in to post a comment Login