Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo aqabalay Iscasilaadii Wasiirka Amniga

cheap tadalafil, buy Zoloft. cabdiweli1-307x350Muqdisho, 25, May, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka aqbalay Wasiirkii Amniga Qaranka iscasilaadiisa, isagoo ku tilmaamay in ay tahay talaabo geesinimo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amaanay Wasiirkii Amniga Qaranka mudane Cabdikarin Xuseen Guleed inuu ahaa muwaadin si dhab ah ugu adeegayey shacabka Soomaaliyeed

“Waa ka aqbalay iscasilaadiisa Wasirka amniga Qaranka, Waxaana uu ahaa muwaadin u shaqaynayey sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen ammaan, waxaana ka rajaynayaa in uu la sii shaqayn doono dowladda, si looga fa’iidaysto khibradiisa shaqo, ayuu yiri Mudane Cabdiweli

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale xusay in ay Xukuuddu wado baaritaan lagu ogaanayo wixii shalay dhacay iyo sidii ay u dhaceen, cid kasta oo masuuliyadaas wax ku yeelatana si dhab ah loola xisaabtami doono.

Ugu danabyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu dhakhso u soo magacaabi doono shakhsigii badali lahaa Wasiirkii amniga qaranka.

You must be logged in to post a comment Login