Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho kana warbixiyay socdaalkiisa

buy Cialis Professional online cheap, zithromax online.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ka soo laabtay dalka Equatorial Guinea oo uu uga qeyb-galay shir madaxeedka Ururka Midowga Afrika ee caadiga, ayaa markii uu soo gaaray garoonka Aadan Cadde loogu soo dhaweeyey si diiran, waxaana ka qeyb-qaatay Wasiirro, Xildhibaanno iyo Bulshada qeybo ka mid ah.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo Warfidiyeennada kula hadlay Garoonka Muqdisho ayaa ugu horeyn waxa uu Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan , waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ku boorriyey in ay is gar gaaraan, kana faa’ideysaan faa’iidada ay bishaan u leedahay ummadda Muslimiinta ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa faah-faahiyey shirkii Midowga Afrika ee waddanka Equatorial Guinea iyo waxyaabihii diradda lagu saaray oo ay ugu weyneyd wax ka qabashada xaaladaha cunnna yari ee dalalka Qaaradda Afrika.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa sheegay in uu ka qeyb-galay shir ay isugu yimaadeen 10, dal oo ka mid ah kuwa Bariga Afrika, islamarkaana looga hadlay sidii loo dhisi lahaa ciidamada heeganka ee dalalkaasi, waxa uu intaa raaciyey in Soomaaliya ay saxiixday heshiiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyana ay ka mid noqonayaan ciidamada Heeganka ah wadamada Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo EASF

“Ciidamadan waxa ay howshoodu tahay wax ka qabshada xaaladaha amni xummo ee kasoo cusboonada qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka ku bahoobay bariga Afrika” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cabdiweli.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo maray dalka Rwanda oo uu kula soo kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Kigali ku nool, sidoo kalena uu ka kulmay isaga iyo wefdigiisa madax ka tirsan dalka Rwanda.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey dil maanta Muqdisho loogu geystay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxa uu yiri, “Tani waxa ay ka tusuneysaa in aan sii xoojinno feejignaanta xagga amniga, waxaana farayaa dhammaan ciidamada Qalabka Sida in ay laba laabaan ka hortagidda iyo beegsiga cadowga uu ku hayo bulshada, Shacabka Soomaaliyeedna ha arab taagnaadaan ciidamada Amniga si aan uga guuleysano ficillada ay kooxaha argagixisada bisha Ramadaan Umadda Soomaaliyeed u soo maleegayaan”.

You must be logged in to post a comment Login