Raa��iisul wasaare dadban vs Raa��iisul wasaraha Somalia: Akhriso awoodaha Shaakir iyo Kheyre

Filed under: Wararka |

Waxaa shalay Hoolka shirarka eeA�Madaxtooyada Villa Soomaaliya kaA�dhacay Munaasabad lagu saxiixayA�Dhameystirka Heshiiska Ahlsuna iyoA�Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog kaA�ahaa Madaxweynaha SoomaaliyaA�Maxamed C/llaahi Farmaajo, WasiirkaA�Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad,A�Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi FaaraxA�Juxa iyo xubno ka tirsan GolahaA�Wasiirada.

Heshiiskaas oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ooA�dhiniciisa ka saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta CabdiA�Faarax Saciid Juxa.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa loo saxiixay inuu noqdo Wasiirka Koowaad ee MaamulkaA�Galmudug taasoo ka dhigan inay Galmudug noqon doonto Maamul Goboleedkii uguA�horreeyey ee yeesho Raa��isulwasaaraha ama Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada

Haddaba waxaa is waydiin mudanA�Awoodaha ay kala leeyihiinA�Raa��isulwasaaraha dadban ee GalmudugA�iyo Raa��isulwasaaraha Soomaaliya XasanA�Cali Kheyre.

 

Awoodaha Kheyre ee Dastuuriga ahA�Awoodaha loo saxiixay Sheekh Maxamed ShaakirA�Waxaa halkaas ka muuqato in awoodda Raa��isulwasaare Kheyre ay tahay mid guud ahaanA�dalka ah halka Sh. Maxamed Shaakir uu ku egyahay Galmudug.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir awood uma lahan inuu Magacaabo Wasiirada iyoA�inuu xil ka qaado, waana awood kale oo uu Kheyre kaga hooseeyo.

Posted by on December 7, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply