Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’isul Wasaaraha Dalka Oo Shir Guddoomiyay Kulan Ammaanka Looga Hadlayay

buy zoloft online cheap, buy dapoxetine.

 

Shirkan xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee uu shir  guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaa ka qeyb-galay wasiirrada Xukuumadda intoo badan, guddiga Difaaca u qaabilsan Barlamaanka xubno ka socday taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Boolis, guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana looga hadlayey ammaanka caasimadda iyo isbadellada la qorsheeyey in lagu xasiliyo sidii loo fulin lahaa.

Shirka inta uu socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dhanka ammaanka la xiriirra ee Muqdisho ka dhacay.

Shirkaasi oo gaaray ilaa xalay habeen barkii kaddib, ayaa marka uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta Qaranka sharraxaad ka siiyey Wasiirka Gaashaandhigga ahna sii hayaha xilka wasiirka Amniga Qaranka, Jeneral Maxamed Sheekh waxa uu tilmaamay in shirkan ay ka soo baxeen sidii loo qaadi lahaa tallaabbo wadajir ah oo shacabka iyo Xukuumadda ay iska kaashanayaan loogana hortaggayo ficillada argagixisada ay ummaddeena la  damacsan tahay.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan in ay gacan ka geystaan sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha doonaya bisha Ramadaan ay qal-qal geliyaan shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa daba socoda shirar dhanka ammaanka looga hadlayay oo ay madaxda sarre ee Qaranka la qaadanayaan hey’adaha ammaanka qaabilsan, iyadoo Xukuumaddu ay ku dhawaaqday isbaddel weyn oo amniga in ay ka hirgelinayaan magaalada Muqdisho, kaas oo bartilmaameedsan doona kooxaha nabad diidka ah ee Al-shabaab.

You must be logged in to post a comment Login