Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’isul Wasaaraha dowlada oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garbaharey

Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa goordhow gaaray magaalada Garbaharey ee xarunta gobolka Gedo.
Dad aad ubadan ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynta Wafdiga Ra’isul Wasaaraha ee socdaal ku tagay magaalada Garbaharey iyadoona dadka magaalada ay heegan ku ahaayeen garoonka diyaaradaha.
Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in Wafdiga Ra’isul Wasaaraha si weyn loo soo dhaweeyay haatana uu kusugan yahay gudaha Garbaharey.
Amaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamo isugu jira kuwa dowlada, Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Militeriga Itoobiya ay sugayaan amaanka.
Waa booqashadiisii ugu horeysay ee Gedo uu ku tago tan iyo xiligii xilkaas loo dhiibay, waxaana socdaalkan uu qeyb ka yahay booqashooyin uu kusoo kala bixinayo Ra’isul Wasaaruhu guud ahaan gobollada Soomaaliya.
Socdaalka Wafdiga Ra’isul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah isku dayo uu ku marayo inta badan gobollada dalka, waxaana uu horey utagay Shabeelooyinka, Jubbada Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Bari.
Wararkii soo kordha iyo muuqaalka dib kala soco somalinimo1.com Insha Allah

You must be logged in to post a comment Login