Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Oo Soo Xiray Shirka Looga Hadlayay Horumarinta Waxbarashada

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa soo gaba-gabeeyay shirka looga hadlayay horumarinta Waxbarashada iyo dib u hishiisiinta,  islamarkaana ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen wasaaradda hidaha iyo  Tacliinta Sare iyo hey’ada wadamada carabta u qaabilsan horumarinta waxbarashada iyo tacliinta sare oo ka  soconayay Muqdisho 4-tii cisho ee la soo dhaafay, iyadoo shirkaasi ay ka qeyb galeen Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka oo inta uu soconayay ayaa la isku weydaarsaday dood iyo talooyin ku tacaluqa horumarinta tacliinta, waxaana la isla gartay qodobo muhiim u ah horumarinta Tacliinta Soomaaliya.

buy Viagra Soft online, order clomid.

Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo soo xiray shirkaasi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay shirkani, waxaana uu tilmaamay in ay fulinayaan qodobadii ka soo baxay shirka, wuxuuna si gaar ah uu u xusay in qodob kasta ay shir gaar ah ka qaban doonaan.

Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan horumarinta Talcliinta dalka oo muhiim u ah dadka iyo dalka.

You must be logged in to post a comment Login