Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo goordhow gaaray magaalada Garoowe

Waxaa magaalada Garoowe Caasimada maamul goboleedka Puntland ka soo degay wafdi ay kamid yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomalaiya iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya siiba wasiirka Maaliyada iyo wasiiro kale oo uu horkacayo Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Wafdiga wasiirga ee gaaray Garoowe ayaa lasoo sheegaya in Wafdiga Raiisul wasaaraha siweyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Kanooko ee magaaladaasi Garoowe.
Xubno ka mid ah 2da gole ee Puntland oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdi Samad Cali Shire ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Wafdiga Raiisul wasaaraha Soomaaliya.
Ka dib Soo dhaweyn waxaa loo gelbiyay Raiisul wasaaraha iyo wafdigiisa dhanka Madaxtooyada Puntland halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha maamulka Puntland Dr C/raxmaan Faroole laguna wado in halkaasi uu ku dhexmaro kulan.
Dhwaan ayaan idiin soo gudbin doona asiga oo muuqaal ah booqashada raisul waraaha Somaliya uu maanta ku tagy Garoowe

You must be logged in to post a comment Login