Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo lagu soo dhaweeyay magaalada Caabud-Waaq

Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo lagu soo dhaweeyay magaalada Caabud-Waaq
March 5, 2013 – Written by maamule – Edited bymaamule

Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Saacid Faarax Shirdoon ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Caabud-Waaq ee gobolka Galgaduud isagoo socdaal kumaraya deegaano katirsan gobolkaas.
Odayaasha dhaqanka, Ahlu Sunna Waljamaaca iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn magaalada ugu soo dhaweysay Ra’isul Wasaare Saacid oo ay wehliyaan xubno katirsan dowlada Soomaaliya.
Waxaa haatan magaalada ka soconaya kualn balaaran oo ra’isul wasaaraha uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada kunool magaaladaas Caabud-Waaq.
Amaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoona ciidamada Amisom lagu arkayo qeybaha kala duwan ee magaalada, Ahlu Sunna Waljamaca, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaana wehlinaya safarka Dr Saacid.

You must be logged in to post a comment Login