Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’isul Wasaare kuxigeenkii dalka Uganda oo geeriyooday

Ra’isal wasaare ku xigeenka Kuwaad ee dalka Ugandha Eriya Kategaya ayaa lagu soo waramaya in uu ku geeryooday isbitaal ku yaalada Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya .

Muddo hal isbuuc ah ayaa la sheegay in Mr kategaya lagu daawaynayay isbitaalka Nairobi waxaana ugu dambayn la shaaciyay in uu dhintay.

Ra’isal wasaare ku xigeenka Ugandha ayaa ku dhintay da’da 67 sano jir,dadka reer Ugandha iyo dowlada ayaa ka naxay geerida Kategaya waxayna sheegeen in wadankooda uu waayay nin taaruiikhda baal dahab ah uga jiray.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in hogaamiyahan dalkiisa ku dhintay uu aad ula socday xaaladiisa uuna xanuun dartiis ugu geeriyooday Nairobi.

Xukumada Kampala ayaa dhanka kale shaacisay geerida ra’isul wasaare kuxigeenka dalkaas iyadoo lagu aasayo gudaha dalka Uganda.

You must be logged in to post a comment Login