Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u cambaareyey qaraxii ka dhacay maanta xarunta QM ay ku leedahay Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan uu la qaatay Ergayga Q.M u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, uga tacsiyeeyey shaqaalihii ku waxyeeloobay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dadkA reer muqdisho inay is dajiyaan, dowladuna ay qaadayso talaabooyin lagu xaqiijinayo amniga.
“Ciidanka qaranka ayaa si geesinimo leh uga jawaabay ficilkaan axmaqnimada ah waxayna ka hortageen khasaaro intaas ka badan, ciidankuna waxay u taagan yihiin difaaca shacabkooda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana xusay in Hay’adaha Q.M ay diyaar u yihiin u dhabar adeegida ficilada ay gaysanayaan argagaxisadu. Lakiin Al-shabaab ma hor istaagi karaan hanaanka nabad ku soo dabaalida dalka, ma joojin karaan dib-u-kabashada, rabshaduhuna ma guulaysan doonaan.
You must be logged in to post a comment Login