Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Raisuwasaare CCC oo kala dooran la’ Jawaari iyo Shariif Xassan

Madaxweyne Xasan Sheekh  iyo Ra’isul wasaarahiisa, ayaa xalay mar kale isugu yimid kullan ku saabsan magacaabista golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Inta uu socday kullanka Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid, ayaa sida la sheegay uu ra’iisul wasaaraha soo bandhigay liis qabyo ah oo ah golaha wasiirada, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu soo dhoweeyey qaabka loo dhisay golaha wasiirada, inta badan.

Inkasta oo aan la hayn magacyada xubnaha cusub ee golaha wasiirada, haddana ilo-wareedyadaa ayaa waxa ay sheegayaan inay ka buuxaan xubno ku dhow madaxweynaha, taasi oo keentay inuu qanco.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa saarnaa cadaadis xooggan oo kaga imanayey dhinacyo badan oo xilal doon ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu dalbaday in la siiyo magacyada jagooyinka wasaaradaha, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha loo qoondeeyay beelaha Digil iyo Mirifle, si uu u soo buuxiyo xilalkaasi marka uu la tashado xildhibaanada Beeshiisa, balse lama yaqaan sida ay ka yeeli doonaan Xasan iyo Cumar.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo jooga Muqdisho uu dadaal xooggan wado, kadib markii uu ka warhelay in Prof. Jawaari doonayo inuu xulo xubnaha beelaha Digil iyo Mirifle ee xukuumadda cusub uga mid noqonaya.

Si kastaba ha ahaatee, Dhismaha golaha wasiirada cusub ee uu guddoomin doono Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa u muuqda inuu lugaha la galay isjiid-jiid siyaasadeed iyadoo waqtigu ku socdo, lagana cabsi qabo inay qaadato waqti ka badan intii la filayay. buy Sildalis online cheap, clomid reviews.

You must be logged in to post a comment Login