Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Roobab mahiigaan ahoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada Oo Ka Da’ay Degmooyin Ka Tirsan G/Sh/Dhexe

Roobab xoog leh oo ay dadka iyo duunyaduba ku diirsadeen ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe, iyadoo rababakaasina ay kusoo beegmeen xilli ay wasaaradda beeruhu beeraleyda gobolkaasi gacan weyn ka siisay u diyaar garowga tacbashada beerahooda.

Roobabkan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa gelinti dambe ee shalay ilaa xalay ka da’ay nawaaxiga degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay, iyadoo dadka ku nool deegaannadaasi oo ku caan ah wax soo saarka beeraha ay u diyaargaroobeen tacbashada beerahooda.

Dhinaca kale roobabkan ayaa kusoo beegmaya xilli wasaaradda Beeraha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay maalintii shalay soo gebagebeeysay howlo biyo xireen ah oo ay ka waday meelaha uu ka soo fataho wabiga Shabeele ee mara degmada Jowhar oo ah magaalo madaxda gobolka Sh/Dhexe.

You must be logged in to post a comment Login