Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ruushka oo ciidan kala baxay Iiraan

Sildalis buy online, zithromax online.

Ruushku wuxu kala baxay Iiraan diyaaradihii dagaalka ee uu todobaadkii hore geeyey si ay u duqeeyaan Suuriya, Sida ay xaqiijiyeen Moosko iyo Tehraan oo leh ujeedadii laga lahaa hawlgalkaas waa la gaaray.

“Diyaaradihii Ruushka ee ka duulayey garoonka Hamdan ee Iiraan si ay u beegsadaan argagixisada ku sugan Suuriya si guul ah ayey ku dhamaysteen ujeedkoodii” Ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Ruushka.

Igor Konashenkov wuxu sheegay in diyaaradahaasi dib ugu laabtaan Ruushka, isagoo sii raaciyey “qorshe kasta oo mustaqbalka Moosko ciidan ugu dirayso Iiraan waxa saldhig u noqon doona heshiis wadaag ah oo labada dal wada gaaraan.”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Iiraan Bahram Qasemi ayaa xaqiijiyey talaabadan “Waa fuliyeen hawlgalkii waana u dhamaaday haatan” Ayuu yiri sida ay ka soo xigatay wakaalada wararka ee Tasnim.

Raxan ka mid ah Su-34 ayaa ku jiray diyaaradaha uu Ruushku geeyey Iiraan.
Raxan ka mid ah Su-34 ayaa ku jiray diyaaradihii  Ruushku geeyey Iiraan.

Goor hore Wasiirka Gaashaandhiga Iiraan Hossein Dehghan wuxu sheegay in qorshuhu ahaa mid ku meel gaar ah balse Ruushku u soo daabuli doono ciidan markasta oo loo baahdo.

Todobaadkii hore ayey si lama filaan ah Moosko u geysay saldhig ku yaal woqooyiga Iiraan diyaaradaha sida ba’an wax u duqeeya ee Tu-22M3 iyo raxan ka mid ah Su-34. Aqalka Cad waa laga dhaleeceeyey talaabadaas.

Washington waxay Viagra Plus buy online, zithromax reviews. sheegtay in Ruushku jebiyey qaraarkii Golaha Amaanka ee dhigayey in aan diyaaradaha dagaalka laga iibin karin Iiraan, Moosko waa diiday eedahaas.

Ma jirin baahi weyn oo Ruushku u qabay saldhiga Iiraan sababta oo ah wuxu labo fariisin ku leeyahay gudaha Suuriya, balse ciidanka uu geeyey Iiraan waa mid uu ku muujinayey cududiisa iyo sida uu ula loolami karo joogitaanka Maraykanka ee bariga dhexe.


 

You must be logged in to post a comment Login