Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

R/W Cabdiweli oo la wareegay awoodii XASAN: Maxaadan ogeyn oo ka socda Villa Somalia & sida loo qiyaanay Xasan

Kamagra Chewable online, buy zithromax online. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa ku dhaqaaqay fal xadgudub ku ah dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu si badheedh usoo saaray wareegtooyin uu xilka uga qaadayo Taliyayaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Gen. Bashiir Goobe iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliya Gen. Saacid 07/09/2014, islamarkaana uu soo saaray wareegto uu Xilka Hay’adda Nabadsugida Qaranka ugu Magacaabayo Cabdullahi Sanbaloolshe, sidoo kalana uu Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ugu magacaabayo Gen. Maxamed Xasan.

Magacaabida Taliyayaasha Ciidamada iyo Xil ka qaadidooda ayaa sharciyan ah qeyb ka mid ah awoodaha Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo dhamaan dawladihii ay hogaaminayeen Madaxweyne Cabdiqaasin, Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Madaxweyne Sheikh Shariif ay dhamaan magacaabidda Taliyayaasha Ciidamada, Magacaabida Ra’iisul Wasaaraha, Magacaabida Safiirada iyo Magacaabida Gudoomiyayaasha maamulada Gobolada iyo Degmooyinka ay lahaayeen Madaxweynayaashii dalka soo maray.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale intuu xilka haayey lahaa dhammaan awoodihii ay lahaayeen madaxweynayaashii ka horeeyay marka laga reebo hal mar oo xukuumadii Saacid ay samaysay soo jeedin ah in Madaxweynuhu magacaabo taliyayaasha Booliiska iyo Nabadsugida haatan xilka laga qaaday, balse Madaxweyne Xasan Sheekh oo aqbalay soo jeedinta golaha Wasiirada ayaa isagu wareegto ku magacaabay Gen. Bashiir Goobe iyo Gen. Saacid.

Wareegtadaan kasoo baxday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh uuna aqriyay Wasiirka warfaafinta, ayaa ka dhigaysa Madaxweyne Xasan Sheekh mid lagala wareegay awoodihii uu gaarka u lahaa Madaxweynaha dawladda Soomaaliya.

Wareegtada Xilalka looga qaadayo Taliyayaasha Booliiska iyo Nabadsugida ayaa lagu soo aadiyey xili uu amnigii Muqdisho faraha kasii baxayey maalmihii lasoo dhaafay, habeen kahorna kooxda xagjirka Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen Madaxtooyada Dawladda Federaalka iyaga oo Al-Shabaab ku guuleysteen inay gudaha u galaan Madaxtooyada Dawladda Soomaaliya oo ay wada degan yihiin Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari. Qiyaanada madaxweynaha loo dhigay waxaa ka mid ah in xubnihii la magacaabayey loogu soo daray Taliyaha Nabadsugida Cabdullahi Sanbaloolshe oo madaxweynuhu la doonayey Xilkaa.

Wareergatadaan sharci darada ah ee kasoo baxday Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli ayaa ah mid Madaxweyne Xasan Sheekh loogala wareegayo awooda dalka. Arrintaan ayaa daba socota hadallo horay uga soo baxay ra’iisul wasaare Cabdi eli oo uu ugu sheegay xildhibaanno ku xulufo ah inuu Madaxweyne Xasan Sheekh ama ku qasbi doono inuu is casilo ama uu ka dhigi doono Madaxweyne Maqaar saar ah oo uun xukuma labadii xaas kaliya.

Weerarkii Al-Shabaab ka fuliyeen Madaxtooyada oo uu fududeeyay wiil uu dhalay iimaanka Masaajidka Madaxtooyada, wiilkaa oo wakiil u ahaa mid ka mid ah shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya oo xarumaha ku dhex leh Madaxtooyada, Shirkada Isgaarsiinta oo wiilkaan u fududeeyay Al-Shabaab inay gudaha u galaan Madaxtooyada, fuliyaana falkii argagixisinimo waxaa dhowaan ogolaansho Shirkadaas siiyey Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli, ogolaanshahaa ka timid Ra’iisul wasaare Cabdi Weli kadibna masuuliyiinta madaxtooyada xubno kamid ah ayaa shirkada usoo jeediyey inay madax uga dhigaan xarunta madaxtooyada wiilkaan aabihii ka ahaa iimaanka Masaajidka madaxtooyada.

Isku soo wada duube dhaqanka Dawladda soomaaliya ayaa kusoo aruuraya wareysi uu dhowaan bixiyey Wasiirka arimaha Gudaha Cadullaahi Goodax Barre, oo uu ku sheegay in shaqada dawladu isaga socoto si iskaa wax u qabso ah, oo aysan jirin shaqo kala soocan iyo wax sharci ah oo la dhowarayo.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli xubno ku dhow dhow ayaa laga soo xigtay hadii qorshahaan uu kula wareegayo awooda madaxweynaha ku guuleeysto inay kusoo xigsan doonto in dhamaan xilalka laga qaadi doono Wasiirada saaxiibka la ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Awooda lagala wareegayo madaxweynaha oo uu wado Ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa lagu soo aadiyey kadib markii xildhibaanno ku beel ah Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin Cabdulqaadir Cosoble, Cumar Finish, Cabdulqaadir Macalin Nuur, iyo xildhibaano badan oo kale oo Hawiye ah ay soo jeediyeen in Madaxweyne Xasan Sheekh is casilo, iyaga oo markaa ku eedeynayay dhamaan shaqooyin ay lahayd xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli ayaa ah mid fulinaya qorshe ay wataan siyaasiyiin aan dooneyn in Soomaaliya nabad noqoto, dawlad shaqeynaysana yeelato taasoo ka dhan ah qaar kamid ah Beelaha soomaaliyeed gaar ahaan Beelaha Hawiye, Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Beesha Mareexaan oo uu Ra’iisul Wasaaraha kasoo jeedo, taasoo ficiladeeda uu ku miijiyey safarkii uu Kismaayo ku tagay ee ahaa in lagu heshiisiiyo beelaha Jubooyinka iyo dhowaan sida uu u maamulay Khilaafkii Maamulada Koofur galbeed oo is khilaafsanaa..

You must be logged in to post a comment Login