Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

R/wasaare C/weli Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Dhalinyarada

Munaasabadi lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa lagu soo gebagebeeyay garoonka kubada cagta Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay R/wasaare Dr. C/weli Sh. Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada, waxaana sidoo kale ka qeybgalay ururada dhalinyarada, fanaaniin iyo dadweyne kala duwan.

R/wasaare C/weli oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay maalintani u leedahay bulshada Soomaaliyeed iyo doorka dhalinyarada kaga aadan horumarka dalka, isagoo tilmaamay in dhalinyaradu tahay laf dhabarka bulshada.

Sidoo kale R/wasaraha ayaa ku booriyay dhalinyarada xilligan iney ku daydaan dhalinyaradii SYL oo ummadda Soomaaliyeed uga tegay taariikh ma hadha ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xukuumadiisu ay mudnaanta siineyso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed maadaama ay yihiin xubinta ugu firfircoon bulshada.

R/wasaare C/weli Sh. Axmed ayaa ka sheekeeyay halgankii dheeraa ee loo soo galay madaxbanaanida dalkeena iyo doorki ay dhalinyardu ku lahaayeen halgankaasi.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn lo soo agaasimay ayaa lagu soo bandhigay ciyaaro hidaha iyo dhaqanka ah iyo halkudhigyo ka tarjumaya qiimaha dhalinyarada, waxaana munaasabadaasi soo gebagebeeyay R/wasaaraha dalka Dr. C/weli Sh. Axmed. buy Sildalis, cheap lioresal.

You must be logged in to post a comment Login