Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

R/wasaare Saacid oo Shaqaalaha Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta Shaqaalaha adduunka

 R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa hambalyo ku aaddan maalinta 1-da May ee shaqaalaha adduunka u diray shaqaalaha Soomaaliyeed ee qaybta ka ah shaqaalaha dunida ee maanta u dabaaldagaya xuska maalinta shaqaalaha.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa u qornaa sidan”waxaan hambalyo ku aaddan maalinta shaqaalaha adduunka u dirayaa shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah shaqada iyo horumarka dalka”

” Shaqadu waa nolosha iyo sumcada qofka,waa furaha horumarka bini aadamka,bulsho kasta sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayey uga horeysaa,taasi waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan,hadii aaney shaqo jirin horumar ma jiro” ayuu hadalkiisa raaciyey R/wasaare Shiirdoon.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid  oo sii hadlaya ayaa war saxaafadeedkiisa ku yiri”Soomaaliyada cusub waxay u baahan tahay xoog iyo xirfad shaqo oo dabooli kara baahida shaqaale ee sii kordheysa”.

R/wasaaraha ayaa shacabka ku booriyey iney kordhiyaan aqoontooda iyo xirfadoodu wuxuuna yiri isagoo hadalkiisa sii wata”Waxaan ummada Soomaaliyeed kula dardaarmayaa iney kordhiyaan aqoontooda iyo xirfadooda si ay ugu sahlanaato iney helaan shaqooyinka ka abuurmaya dalka gudhiisa”.

“Shaki iigama jiro in dalku uu galayo marxalad cusub oo xambaarsan koboc dhaqaale  iyo horumar” ayaa lagu soo gabagabeeyey hadalka R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ee ku aaddaneed hambalyada maalinta shaqaalaha adduunka.

You must be logged in to post a comment Login