Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

R/wasaare Saacid oo xariga ka jaray Dhismaha wada laami ah oo Muqdisho laga fulinayo

R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa daqiiqado kahor waxa uu xariga ka jaray wada laami ah oo ay dowlada Turkiga ka hir gelineyso magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wadadaan oo ay dhismaheeda fulin doonaan Turkiga si loo guda galo mataaneynta caasimadaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa R/wasaaruhu maanta uga dhawaaqay inta u dhexeysa garoonka Muqdisho iyo dhismaha UNDP xilli uu saxaafada la hadlayay in dhismaha uu bilaawday laga bilaabo xilligaan.
Wadada oo lagu qiyaasay 23-KM ayaa waxaa dhismaheedu kasoo bilaabanayaan garoonka diyaaradaha iyada oo lageyn doono KM0.
Waa markii ugu horeysay ee gobalaka Banaadir laga hir-geliyo wada laami ah oo si casri ah loo dhisayo tan iyo bur-burkii dalka waxaana arintaani ay muujineysaa astaan dib u so kabasho oo Soomaaliya ay u jaheysatay wixii ka danbeyay sanadkii 2012-ka.

You must be logged in to post a comment Login