Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

R/WASAARE SHARMARKE: MA JIRO QODOB DASTUURKA KA TIRSAN OO DIIDAYA INAAN SOO CELIYO WASRIIRO KA TIRSANAA XUKUUMADDII DHACDAY

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa difaacay golaha wasiiradda ee uu soo magacaabay, isagoo sheegay inay tahay xukuumaddiisu mid isu dheelitiran oo ay ku jiraan xubno kala matalaya dhinacyadii siyaasadda isku hayay markii isaga la magacaabay ka hor.

Sharmaarke oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay in sababta uu u soo magacaabay qaar ka mid ah wasiiradii xukuumaddii hore ay tahay inaysan hakad galin howlihii muhiimka ah ee socda maadaama wakhtiga dowladda u haray uu yar tahay,howsha u hartay dowladdana ay aad u badan tahay.

R.a,iisulwasaare Sharmaarke ayaa sheegay inuu la fadhiisan doono xildhibaanada diidan xukuumaddiisa kana qancin doono waxay tabanayaan,isagoo xusay in xukuumaddiisa uu ku soo daray dhammaan dhinacyada siyaasadda ee dowladda soomaaliya,islamarkaasna uu dhinac kastaahi xubno wasiiro ah ku leeyahay golaha wasiirada cusub.

Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in xukuumadda cusub ay heli doonto kalsoonida baarlamaanka,isagoo xusay in la fariisan doona cid kasta oo wax saluugsan ,uuna kala hadli doono waaqiga jira.

Mar la weydiiyey ra,iisulwasaarahaa sababtaa uu golaha wasiirada ugu soo daray 4 wasiir oo ay xildhibaanada saluugsan xukuumaddu ay horey kaaga dalbadeen ayaa waxa uu ku jawaabay oo uu yiri” ma jiro qodob dastuuri ah oo diidaya in aan la soo celinkarin wasiiradii xukuumaddii hore uusnna gelin khalad dastuuri” isagoo intaasi ku sii daray dalka soomaaliya oo hadda ka soo baxaya dagaallo sokeeye loo baahan yahay in dadka soomaaliyeed la isku hayo, oo wax b adan la xeeriyo,si taas looga gudbana sidoo kale loo baahana yahay dulqaad. order celebrex, purchase Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login