Saadalinta Professor Warfa iyo kuraasta madaxweyne Farmaajo iyo rw.Kheyre

Filed under: Wararka |

Waxan heynaa sheeko aan dhaafsanayn baraha bulshada iyo goobaha fadhi ku dirirka, cadawgii Soomaaliya ku soo duulay iyo raggii garwadeenka u ahaana soo galeen gudaha Soomaaliya oo howshii u socotaa.

Waxa loo socdaa in la:

01. Xalaaleysto dekedda Berbera.

02. Xaleleysto dekedda Boosaaso.

03. Laga dhigo xalay dhalay khilaafkii ka dhashay hareer markii dastuurka iyo qaraabashadii Khaliijka.

04. Xiro xarunta tababarka ciidamada Soomaaliyeed oo Turkigu ka dhisay Jasiira ee daafaha Xamar.

05. Joojiyo ama la hakiyo dhammaan mashaariicda kala duwan oo walaalaheen Turkigu ka wadaan gudaha dalka, lana hakiyo mashaariicda cusub ee ballaaran oo Soomaaliya iyo Turkigu kala saxiideen dhawaan (beeraha, guriyeeynta, iwm).

06. Hilfaha loo qaado wax kasta oo dowladda Qatar mashaariic ka waddo Soomaaliya (haddii ay jiraan), ama ka damacsantahay mustaqbalka Soomaaliya.

07. Tuso madaxweyne Farmaajo in kursigiisu khatar ku jiro, haddii uusan fulin qodobbada kor ku xusan, ama ka aamusin oo indhaha ka qarsan, ciddii hawlaha fulin lahayd waa diyaare.

08. Tuso Madaxweynaha in Mudane Kheyre yahay khatarta ugu weyn oo maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ka wada shaqayn karin, lagana maarmi doonin in laga qaado xilka, kuuna ballan qaadaynaa in aan kuula shaqayno si hufan (been badana).

09. Bannaysto kursiga Madaxweynaha oo ahaa sababta loo soo galay safarka dheer.
F.G. Inta aan qodobbadan qoraayey, idinkuna waa qiyaaseyseene, maxaa idiin karsamaayo, xagga siyaasadda asxaabtaay? Dabcan, khudbaddii qaboobeed oo Madaxweyne Formaajo jeediyey maanta, waa u guul isbahaysiga Kismaayo, laakin yaa u sheega Madaxweynaha in “nin naagtaada raba kaa yeelayn gabadhaada,” loona socon Kheyre ee loo socdaa kursigaada.

Posted by on October 13, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply