Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sababta Ciidamada Itoobiya u Dhoobteen Duleedka Buula-burte

order dapoxetine, order lioresal. Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u Farabadan ayaa dhoobtay Duleedka Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, Halkaas oo la sheegayo in ay ka Billaabeen Baadi Goobka Koox ka Tirsan Al-shabaab oo Degmada Go’doomiyay.

Ciidamadaan ayaa kasoo amba baxay degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, waxaana ay buuxdhaafiyeen degmada Buulo-burde iyaga oo aad u hubeysan.

Maxamed Muumin Saneey oo ah Taliyaha ciidamada xooga dalka ee degmada Maxaas oo ciidamadaan Itoobiya la socda ayaa faah faahin ka siiyay ciidamadaan halkaasi gaaray iyo uljeedkooda.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamadaan iyo kuwa xooga dalka ay galbin doonaan raashiin gar gaar ah oo dhawaan degmada Buul-burde la geeyay, waxaana raashiinkaasi loo qaadi doonaa degmooyinka Maxaas iyo sidoo kale Ceel-buur oo ka kala tirsan gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud.

“Si nabad ah ayaan ku tagnay degmada Buulo-burde, waxaan kasoo amba baxnay Maxaas, raashiin gar gaar ah ayaan halkaan ka qaadi donnaa, waxaana u wadnaa in aynu uu geyno dadka dhiban ee Maxaas iyo Ceel-buur jooga, mida kale uljeedkeena waa in aan isku furnaa wado walba oo kala xiran” ayuu yiri taliyaha.

Al-shabaab ayaa go’doomisay degaano badan oo ka mid ah gobalka Hiiraan iyadoo dhawaan ciidamada dowladda ay raashiin gar gaar ah xoog ku geeyeen degmada Buulo-burde.

You must be logged in to post a comment Login