Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

SADDEX NIN OO SOOMAALI AH OO LAGU DILAY DALKA KOONFUR AFRIKA

Saddex ka mid ah ganacsatada Somaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Limpopo ee dalka Koonfur Afrika, ayaa la soo sheegayaa in lagu dilay saacadihii hore ee saakay.

Ganacsatada, ayaa siyaabooyin kala gedisan loogu dilay Degmada Vhembe ee Gobolka Limpopo. Laba ka mid ah ayaa hal goob lagu weeraray waxaana lagu dilay rasaas, halka midka kalana dilkiisii loo adeegsaday baangado.

C/rashiid Xuuriye Kheyre oo ka mid ah ganacsatada Somaliyee ee dalka Koonfur Afrika, ayaa wuxuu xaqiijiyay saddexda nin ee lagu dilay Degmada Vhembe, inkastoo mid ka mid ah dhaawac culus oo weerarka ka soo gaaray, uu ugu geeriyooday isbitaalka.

doxycycline reviews, zithromax reviews. Ma suurta gelin in Ciidamada Booliska ay gacanta ku soo dhigaan kuwii dilka geystay, marka laga soo taggo Booliska oo weli baaritaano ku aadan wada.

Xuuriye, ayaa saddexda nin ee la dilay magacyadoodu ku kala sheegay C/laahi Maxamed Axmed, Cawil Nuur Cali iyo Maxamed C/laahi Shamaaqul.

Koonfur Afrika waxa ay lafdhabar u noqotay dalalka dibadda ee sida joogtada ah loogu dilo dadka Somaliyeed, ee u hayaamay dibadda, wixii ka dambeeyay 1991-kii.

You must be logged in to post a comment Login