Sansaan xornimo – Cismaan Yuusuf Keenadiid AUN

Filed under: Barashada Diinta Islaamka,Sports,Travel,Video,Warbixino |

Sansaan xornimo – Cismaan Yuusuf Keenadiid AUN

Arar:
Sansaan xornimo (ama.Samow Maxamadow), waa gabayga ugu dheer, gabayadii Allaha u naxariistee Cismaan Yuusuf Keenadiid (1899 – 31.08.1972).
Gabayga wuxuu tiriyay xornimadii ka hor, kolkii ay qaramada midoobay guddoomiyeen in 1960ka soomaalidu xor noqoto oo qaran noqoto. Gabayga gudihiisa waxaa Cismaan ku soo qaaday tolal iyo qarammo badan oo adduunka, taasoo uu ula jeedo in bishaarada wanaagsani meel walba saabatay.
Haddaba, waxaan halkaan idinku soo gudbinayaa keliya baydadka uu ku sheegayo meelaha khabarka suubani gaaray iyo gunaanadka gabayga.

********
Safka Meheri sayxuud inta leh, amase reer Suurka
Mukulliga sawaacigu galiyo, suuqa Cadan weyn ah
Sanca iyo intaa laga xukumo, seeraha iimaamka

Saldanada Ciraaq iyo raggaa, suuriyada haysta
Sucuudiga bilaadkiisa iyo, siinaddii Xaramka
Arlada suubban samihii Xijaas, sabarradii Daa’if

Saldanada Bengaasiyo Tabruuk, saajacyada jooga
Sanuusi iyo Liibiya kurteed, saadada u qiiman
Kuwa bidixda kaga saafsan iyo, siibadaha Tuunis

Bur-Saciid Suweys iyo Masriyo, socotadii Niilka
Sengaal iyo sariiraha Khurduum, nimanka Soodaan ah
Sawaakin iyo siinkii Asmara, soohdintii Xabashta

Sokay iyo Danaakilada taal, saaxillada xeebta
Sifka Adari saaqii Shawiyo, Sababa guudkeeda
Amxaaruhu intuu saaran yahay, tan iyo Siidaamo

Suud Afrika suuqii Kilwiyo, saraha Nayroobi
Simawaranga Daaraha Salaam, iyo sinnaadkooda
Sinjibaar sawaaxili kurteed, sararihii Keenya

Jahaduu sakino reer Hindigu, sudaha Raanguun leh
Bunbey sooreheediyo intuu, Siiggu ku hoyaado
Saracii Karaashiyo Bengaal, sadarradii Kaabul

Meeshuu ku sugan yahay Jabbaan, surinnaduu yaallo
Sangafuura Sayloon dhulka leh, Siina iyo Jaawa
Surwada Awstaraaliyo xirfada, lagu sancaynaayo

Siyaadada betroolkiyo Kuweyt, samaha loo dhiibey
Salaaddiinta Iiraan fadhida, sulubyadii Faaris
Arlada samarqandaa iyo Bukhaar, suxaradii Baabul

Saaxiibbadii Hollanda iyo, siirka Filibiini
Serbiyada Isbaanyiyo Madrid, sidatan loo qaabay
Saamaha ka haray reer Andalus, sebennadii Daariq

Sakadahakan Mooskiyo halkuu, sal u lahaa Ruushan
Faransuhu halkuu saacitiyo, sadaxyadii Baaris
Sijiilyiyo Talyaanniga fadhiya, sabadka Miilaano

Suldaannada Giriig iyo Turkiya, reer Suweysarada
Iglan sabarradeediyo Berliin, saamka laga meershey
Sinbayr iyo Maraykaankaa yaal, badaha seenkooda
**********
Sankuneefle meeluu jiraba, saaqyey khabarkeene
Telegraafka seeraarayiyo, siligyadaw geyne
Subax noolba ‚joornaalistahaa‘, sugaya xaalkeene

Naloo sayngaree qarantinnimo, semenka maantaahe
Saraakiisha iyo dawladuhu, saare ‚feermada’e
Salaan iyo in laynoo shugriyey, siimankaa wadey e

Niyada noo sifowdiyo himmada socon ayaan noolba
Iyo waxa ka sii suubbanaan, weli sugaaleyno
Allaha noo sakhiro waa adduun, sanac ku laabnaaye

No automatic alt text available.
Comments
Caasho Abdukadir Caasho
Caasho Abdukadir Caasho ilahey ha unaxriisto

· Reply ·

1

· 20 hrs

Remove

Man Qaboojiye Jama

Man Qaboojiye Jama Intaan noola su’aal ayaan iska waydiin jiray hadba marka aan maqlo gabyaa gabayadiisu ku dawaafayaan dunida guud ilaa min darraf ka gees, waayo berrigii hore wax lagu kala barto aduunka oo idil waa yareyd

Allah yarxam rabbi naxariistiisa haku arsaaqo laashin Cismaan yuusufSee more

· Reply ·

1

· 16 hrs

Remove

Mohamed Ahmed
Mohamed Ahmed Alloow kuu naxariio, taariikhdu waxa ay kubareysaa waayaha iyo wixii lasoomarey Hashi Y. Osman walaakey Jezaaka Allaah

· Reply · 6 hrs

Remove

Qaali Hassan
Qaali Hassan Allaha u naxariidto awoowe cusmaan yuusuf keenadiid amiin yaa RABI.

· Reply · 4 hrs

Posted by on July 4, 2017. Filed under Barashada Diinta Islaamka, Sports, Travel, Video, Warbixino. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply