Saraakiil loo xiray Qaraxyadii maalin ka hor ka dhacay Muqdisho

Filed under: Wararka |

Muqdisho Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiil iyo askar loo xiray qaraxyadii maalin ka hor ka dhacay Xarumaha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga ee Soomaaliya.

Sida  ay  xaqiijiyeen xubno ka tirsan dowlada, saraakiisha la xiray ayaa gaaraya 14, kuwaas oo loo haysto in ay fudadeeyeen qaraxyadii iyo weerarkii tooska ahaa ee ka dhacay Sabtidii aan ka soo gudubnay Xaruntii hore ee Otto Otto oo hadda ay dagan yihiin W.Arimaha Gudaha iyo Amniga ee Soomaaliya.

Xubnaha  xaqiijiyay dhacdadaan ayaa sidoo kale sheegay in amarka lagu xiray Saraakiisha iyo askartaba uu bixiyay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxaana saraakiisha la xiray ku socoto baaritaano iyo su’aalo weydiin.

Saraakiisha la xiray ayaa Taliyeyaal ka ahaa koontaroolada bartamaha magaalada iyo qaar ka mid ah degmooyinka, iyagoo loo heysto sida ay ku suura gashay in gaadiidka qarxa iyo dableydii hubeysneyd ay ka soo gudbeen.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay Weerarka Qaraxyada ku bilowday ee ka dhacay Xarumaha Wasaaradaha Amniga iyo Arimaha Gudaha ee Dowlada Soomaaliya.

Posted by on July 9, 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply