Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo maanta deegaanka Tixsiile lagula eegtay kolonyo uu hoggaaminayey guddoomiya gobolka Shabeelaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Siidii), saraakiil ciiidan oo ka tirsan Xoogga dalka iyo kuwa Cadaan ah.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo ka soo gaartay saraakiil isugu jirto Soomaali & Cadaan oo ka mid ah wafdigaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay hal sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka iyo labo askari oo Cadaan ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ay dhaawacyo soo gaareen taliyaha ciidamada Danab Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur (Beeryare) iyo saraakiil kale.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadada weerarkan, iyada oo shaacisay inay ku dishay ugu yaraan illaa 4 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, mana jiro weli wa hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi.