Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Saraakiisha Dowladda iyo AMISOM oo Baraawe kula hadlay dadka degaanka

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Saraakiisha ciidamada XSD iyo saraakiisha AMISOM ayaa saakay kulan la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaflad lagu qabtay meel fagaare ah oo ku taalla degmada ayay hadallo ka jeediyeen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Abaanduulaha Ciidanka XDS jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi iyo sarkaalka AMISOM u qaabilsan qeybta gobolka Shabeelaha Hoose.

Abaanduulaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka baxeen Baraawe dadka ku dhaqan ee shacabka ahina aysan ahayn dambiileyaal marka laga soo tago qofkii hadda kaddib dambi gala hase yeeshee wuxuu tilmaamay in shacabku aysan ahayn kuwa la maagayo.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay dadka ree Baraawe inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loogu sugo nabadda, wuxuu intaa ku daray in dhallinyarada la khaladay ee Al-Shabaab raacay ay ka faa’iideystaan cafiska dowladdu ay u fidisay oo ay soo laabtaan.

Wariye Mustaf Xuseen Cabdulle oo ka tirsan Radio Muqdisho ayaa ku soo warramaya in ciidamada XDS qeybtooda kumaandooska ee dhawaan tababarka loo soo xiray ay baaritaano ka wadaan degmada, ayadoo ay kaabayaan ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

Odayasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ayaa soo dhaweeyay dowladda. order Super P-Force online cheap, generic clomid.

You must be logged in to post a comment Login