Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sargaal katirsan dowlada Kenya oo lagu dilay magaalada Gaarisa iyo Dhaqtar la dhaacaway

Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dil loo gaystay sargaal katirsan dowlada Kenya.

Rag Hubaysan ayaa toogtay mid kamid ah shaqaalaha dowlada Kenya halka ruux kalana isagoo dhaawac ah la geeyay isbitaalka weyn ee Gaarisa

Weerarka dilka ah ayaa ka dhacay xaafada Ngamia Road axadii xalay. Twaxaana uu katirsnaaa Wasaarada dadweynaha, halka ruuxa kale ee dhaawacmayna uu ahaa shaqaalo Kalkaaliye caafimaad ka ahaa Dadaab.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ay baxsadeen kooxdii weerarkaas dilka ah ka gaysatay gudaha magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari.

Dilkaas ayaa kusoo aadaya xili magaalada Gaarisa la geeyay ciidamo badan oo suga amaanka xiliga ay socoto codeynta doorashada Kenya.

“waxaan gaynay magaalada Gaarisa ciidamo badan si ay uga qeyb qaataan sugida amaanka xiliga doorashada”ayuu sheegay taliyaha ciidamada magaalada Garissa Charlton Mureithi.

Magaalada Garisa ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal qorshaysan, weeraro qaraxyo ah iyo falal amaan xumo oo kale waxaana ay dowlada Kenya gaysay ciidamo badan si amaan xumadaas looga hortago.

You must be logged in to post a comment Login