Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sargaal katirsanaa Ciidamada Badda oo caawa lagu dilay Dharkiinley iyo Qof rayid ah oo isna la dilay Baar ubax

Magaalada Muqdisho oo xaaladeeda amaan mid sii xumaanaya waxaana laga yaabaa in hadii arintaan sii socoto al shabaab inay mar kale gacanta muqdisho ku dhigaan.

Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxay dil toogasho ah caawa ugeysteen sargaal katirsanaa Ciidamada Badda Somaliya xilli uu kusugnaa hoygiisa meel ku dhaw oo kuyaallay Degmada Dharkiinley.

Dilka markii uu dhacay ayey waxay dableydii iskaga baxsadeen goobta waxaana meesha gaaray ciidamada dawlada Somaliya kuwasi oo baaritaano meesha ka sameeyey.

Sidoo kale nin rayid ah ayaa waxa lagu dilay caawa meel ku dhaw Baar ubax waxaana dilkiisa ka dambeeyey kooxo ku hubeysnaa bistoolado waxaana ay ka baxsadeen meesha markii ay dilka ka fuliyeen.

Muqdisho 24 saac gudahood waxa lagu dilay 10 qofood dad ku dhaw waxaana cabsi ay ku abuurtay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo iyagu ku tilmaamay mid sababi karta inaysan guryaha ka bixin.

You must be logged in to post a comment Login