Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya oo Xabsi la dhigay

January 11, 2019 256 Views

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay  Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa  lagu sheegay in xabsiga dhigtay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasaarada amniga ayaa sheegtay in Sarkaalka la xiray  lagu magacaabayay Yuusuf Xundubey, waxaana la tilmaamay  uu ka soo muuqday  muuqaal la soo geliyay baraha bulshada, isaga oo gacan ka hadal dhex maraya gabar, iyadoo gabadhaas la sheegay inay aheyd xaaskiisa hore

“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga.

You must be logged in to post a comment Login