Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka laga helayo dalka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan in duqeyn lagu dilay afar ruux oo ka tirsan ururka Al-qaacida kuwaas oo gari ay wateen ay beegsaday diyaarad kadibna ay gantaal ku dhufutay.
Afarta ruux oo gaari ay wateen gantaalka lagula dhuftay goblka Shabwa ee Koofur Bari dalka Yemen ayaa waxaa la sheegay in marka laga tago Darawalka ay sedaxda kale kasoo jeedaan dalalka Yemen, Sucuudiga iyo Soomaaliya inkasta oo magacyadooda wali aan lasoo tebin.
Diyarada duqeysay sarakiishaasi ee gantaalka ku dhufatay lama sheegin wali dowlada iska leh, waxaana dalkaasi Yemen oo ah dalka ugu faqrisan Bariga dhexe ka dhaq-dhaqaaqa ururka Al-qaacida ee uu aasaasay Osama Bin Ladin.
Horay ayaa Shabaab waxa ay u sheegeen in ay ka garab dagaalami doonaan ururka Al-qaacida ee dalka Yemen iyada oo dhowr mar ciidamada ilaalada xuduudaha dalkaasi ay qabteen Soomaali doonya la socota oo ay sheegeen in ay uga shakiyeen in ku biiri lahaayeen ururka Xuutiyiinta iyo Al-qaacidada gacanka Cadmeed.
You must be logged in to post a comment Login