Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sawirro: DF oo Shaaciyay Shabaabkii Weeraray CID & Tirada dhimashada

buy Cialis Black online cheap, buy lioresal online.

Silfar for sale, order Zoloft.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay tirada Al-shabaabkii weerarka ku qaaday xarunta dambi baarista ee CID iyo khasaaraha ka dhashay weerarka loo adeegsaday labo gaari oo qaraxyo ay ka buuxeen.

Wasaarada amniga ee xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in 7 ruux ay ahaayeen tirada Al-shabaab-ka weerarka kusoo qaaday xarunta CID-da ayna wateen labo gaari oo waxyaabaha qaraxa ay saaran yihiin.

C/kaamil Macalin Shukri, afhayeenka hayadaha amniga oo la hadlay Idaacadda Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in 7 ruux oo Al-shabaab ah ay weerarka soo qaadeen, balse shan kamid ah ay toogteen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Labo gaari oo Noha iyo SURF kala ah ayuu sheegay in loo adeegsaday qaraxyada maanta dhacay, wuxuuna sheegay in labo ruux oo Alshabaab kamid ah ay saarnaayeen labada gaari oo qaraxyo ay ka buuxeen.

Afhayeenka wuuu sheegay in dhamaan dadka qaraxa ku dhintay ay ahaayeen 13 ruux oo todobo kamid ah ay ahaayeen Al-shabaab ka weerarka soo qaaday.

Shan kamid ah ciidamada booliska ayaa ku dhaawacmay qaraxyada CID-da lagu weeraray, sida uu sheegay afhayeenka hayadaha amaanka ee dowlada.

CD11

CD12

CD13

CD14

You must be logged in to post a comment Login