Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sawirro, Dhageysi + Xog: Sida Maanta loo Weeraray Xildhibaan Daheeye

sildenafil reviews, clomid reviews.

Gaari uu saarnaa Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye ayaa abaro afartii iyo qadar sodon Daqiiqo ah ee Maanta waxaa lagu risaaseeyay agagaarka Suuqa Bacadlaha ee Dagmadda X/weyne,waxana werarkaas ka dhashay Khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhawaac.

Xildhibaanka ayaa Gaariga uu saarnaa waxaa ku geeriyooday Darawalkii Gaariga iyo mid kamid ah ilaaladiisa waxana dhaawac uu soo gaaray Xildhibaan Daheeye iyo mid kaloo ilaaladisa ah.

Gaariga lagu waday Xildhibanka waxa uu ahaa Kaarib,waxana durbadiiba lagu qaaday dhawaca soo gaaray xildhibaanka oo la sheagay in uu yahay mid fudud.

Dad ka gaabsaday in codkooda la adeegsado ayaa sidoo kale sheegay in werarka lagu fuliyay Gaari kale uu durbadiiba goobta isaga cararay.

Saacad ka dib marka falkaasi uu dhacay waxaa goobta yimid Afahayenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fataax Cumar Xalane,Mar la waydiiyay Dilalka ku soo kordhay maalmahan Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin wax horay Magalada uga dhici jiray isagoo ku goodiyay Marka si rasmi ah maamulka Gobalka loogu warejiyo Sugida amniga Muqdisho in la arki doono wax qabadkooda.

Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye Goobta lagu weraray waxaa 3 bishaan lagu dilay Marxuum Mahad Faarax Muxidiin oo ka mid ahaa saraakiisha Nabad Sugida Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye Waxaa loo dhaariyay Xubinimada Baarlamanka Soomaaliya 27-kii Apriil sanadkii tagay ee 2015 waxana uu badalay booskii Alaha u naxariistee Xildhibaan C/llaahi Qayaad Barre oo kooxo Hubeesan ay ku dileen Bishii 2aad ee sanadkii 2015 Dagmada Xmar jajab.

daaheey daaheey2

Fadlan Fekerkaada ka dhiibo

Super Kamagra online, purchase dapoxetine Penegra for sale, order lioresal. .
0 comments

You must be logged in to post a comment Login