Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

SAWIRRO: KISMAAYO oo lagu soo bandhigay Hub & Walxaha qarxa oo weerar lagu fulin lahaa

Howlgalo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Ammaanka Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa lagu soo qabtay Hub, Miinooyin iyo qalab loo adeegsado Qaraxyada culculus.

Ciidamada ayaa waxa ay Warbaahinta usoo bandhigeen walxaha qarxa iyo hub ay sheegeen inay kusoo qabteen howl-gallo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Kismaayo, kuwaasi oo ay sheegen inay kamid yihiin kuwa loo adeegsanaayay Qaraxyada ka dhaca Kismaayo.

Ciidamada ayaa waxa ay Hubkaani kusoo bandhigeen Xiro ciidan oo ku taalla Kismaayo, waxaana kamid ahaa qalabka lasoo bandhigay Miinooyin nooca dhulka lagu aaso iyo Baastoolado, iyadoo miinooyinka ay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen xili la doonayay in lagu aaso mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee dhexmara Magaalada Kismaayo lagu aaso halkaasi oo badi ay xiligaani isticmaalaan gaadiidka Ciidamada iyo Odayaasha u diyaar garoobaayo Shirka Dib u heshiisiinta Kismaayo ka furmaayo.

Qabashada Hubka iyo soo bandhigidiisa, ayaa waxaa xaqiijiyay C/laahi Nasri oo ah Afhayeenka Ciidamada Ammaanka Maamulka Jubba waxa uuna sheegay in Arrintaani ay ku howlanaayen muddo badan, balse ay iminka soo afmeeren Howlgalkii lagu qabanaayay Hubka.

Afhayeenka Xili uu Kismaayo kula hadlaayay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in howlgalo ay xalay sameeyeen kusoo qabteen Rag ka tirsanaa Alshabaab iyo Hubkooda.

Waxa uu Tilmaamay in Hubka iyo Qalabka ka kooban walxaha qarxa ay yihiin kuwii lagu gumaadaayay Shacabka, wuxuuna cadeeyay in ay sii socon doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee ay ka wadaan magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Tallaabadaani ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa xili Magaalada Kismaayo ay ka socdaan diyaar garoow loogu jiro furitaanka Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha dega Jubbooyinka.

DAAWO SAWIRADDA

Hub 1hub 2Hub 3Hub 4Hub 5 buy Sildalis, buy clomid online. Hub 6

 

You must be logged in to post a comment Login