Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sawirro: Kulankii Golaha Wasiirada oo looga dooday Sharciga Gender-ka & Culumo ka qeyb gashay

Super Kamagra online, purchase dapoxetine.

clomid side effects, generic lioresal cheap sildenafil, cheap clomid. .

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Kulanka Golaha ayaa guud ahaan looga dooday Sharciga Genderka oo dhawaan ay qaar kamid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed dhaliileen qodobo ku jira.

Ra’iisul Wasaare Sharmaarke ayaa soo dhaweeyey culumada sheegayna in Golaha Wasiirada oo wada muslimiin ah aysan diinta gaf ku sameyn karin, sidoo kalena xusey in culumada iyo dawladda muhiim tahay in ay iska arkaan arrimahan oo kale ka hor inta uusan gaarin Saxaafadda.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in si wanaagsan loo dhageysan doono baaqa culumada Soomaaliyeed, lana ogaan doono qaladka ay arkeen.
Wuxuu xusay in ansixinta xeerka Genderka ka hor la hubiyay in ay san ku jirin qodobo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka iyo Qaanuunka u yaala dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa guddi u saarey arrinta la xiriirta Buugga Genderka ee walaaca ay ka qabaan Culimadu, waxana ay guddigan ka wada shaqayn doonaan in la isla eego guud ahaan qodobada uu ka kooban yahay si meesha looga saaro wax walba oo walaac keeni kara.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Majmaca Culimada, ayaa Xukuumada uga mahaceliyay fursada ay u siiyeen in ay Golaha hor yimaadaan, wuxuna tilmaamay in xukuumada ay isku raaceen in diinta la wada ilaalin doono, aadna ay uga xunyihiin sida loo fasirtay bayaankoodii.

aayaha

aayaha1

aayaha2

aayaha3

aayaha5

aayaha6

aayaha7

aayaha9

aayaha10

You must be logged in to post a comment Login