Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo si xun loogu bahdilay NAIROBI

Tadalis SX Soft no rx, acquire dapoxetine.

Soo dhoweyn aad u heer hooseysa oo aan u qalmin ayaa magaalada Nairobi loogu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan oo nasiib darro booqasho rasmi ah ku tegay dalka Kenya (official visit).

Garoonka Jomo Kenyatta waxaa uga hor yimid oo ku soo dhoweeyay guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, mana jirin cid ka tirsan wasiirada Kenya, madaxweyne ku xigeen iyo madaxweyne soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa u muuqata bah-dilaad siyaasadeed oo dowladda Kenya ay ula kac ugu sameysay madaxweynaha Soomaaliya, mana aha markii ugu horeysay ee tan oo kale ku dhacdo madaxda Soomaalida.

Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho rasmi ah ku yimid dalka Kenya, isla markaana madaxweynaha Kenya uu la kulmi doono maalinta beri ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta booqday xerada Qaxootiga Dadaab ee dalka Kenya, isagoo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee isagoo xilka haya booqda qaxootiga Soomaalida.

HOOS KA DAAWO SOO DHOWEYNTA HEERKA HOOSE

Bahdil1

bahdil2

Bahdil3

Bahdil4

Bahdil5

Bahdil6

You must be logged in to post a comment Login